Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa in maalinta Talaadada oo berri ah uu bilaabo booqasho shan maalmood ah oo uu ku mari doono gobolka Mt. Kenya.
Madaxweyne Ruto ayaa halkaas u tagaya in uu xariga ka jaro mashaaric hormarineed oo ku kacaysa balaayiin shilin ah.
Tani waxay noqonaysaa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago gobolka bartamaha ee dalka muddo lix bilood ku dhow.
Qayb ka mid ah hogaamiyayaasha Rift Valley ee xulafada la ah madaxweyne Ruto ayaa dhaliilay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua oo ay ku eedeeyeen in uu sameeyay hadallo kicin kara dadweynaha ku nool gobolka Mt Kenya oo ka dhan inta lagu guda jiro booqashada madaxweynaha.
Safarka madaxweynaha ee todobaadlaha ah wuxuu ku mari doona dowlad deegaanada kala ah Laikipia, Nyeri, Meru, Kirinyaga, Nyandarua, Murang’a, Embu, Tharaka-Nithi, iyo Kiambu.
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxaa la filayaa in uu kormeero, sido kalena uu daah furo mashaariic horumarineed oo kala duwan.