DHEGEYSO:Ruto oo si rasmi ah u billaabay socdaalkiisa gobolka Mt. Kenya

0
443

Madaxweyne Ruto oo uu wehlinaayo ku xigeenkiisa Prof. Kithure Kindiki ayaa safarkiisa horumarineed ee gobolka bartamaha dalka si rasmi ah uga billaabay maanta ismaamulka Laikipia.
Waxaa u dib u furay dugsiga hoose dhexe ee Ng’arachi iyo 8 dugsi oo kale oo ay dib u dayactir ku sameeyeen ciidamada KDF-ta kadib markii ay bur buriyeen kooxo burcad ah.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale daah furay suuqa casriga ee magaalada Nanyuki kaasoo loogu tala galay inuu horumariyo becsharada bulshada Laikipia.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu 5 maalin gudahooda ku marro 9 dowlad deegaan oo ka tirsan gobolka Mt. Kenya.
Ismaamullada ayaa kala ah Laikipia, Meru, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Kirinyaga, Murang’a, Embu iyo Tharaka Nithi.