Hoggaamiyayaasha mucaaradka oo Kahariri ka codsaday inuu arrimaha siyaasada faraha kala baxo

0
379

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka oo ay hoggaaminayaan madax xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa DAP-Kenya Eugene Wamalwa ayaa madaxa militariga dalka ka codsaday inuu faraha kala baxo arrimaha siyaasada dalka.
Waxaa ay ku booriyeen Jeneral Charles Kahariri in aan loo adeegsanin arrimo uusan mas’uuliyadeeda qaadi karin.
Labada hoggaamiye ayaa dowladda ugu baaqay in ciidamada booliiska dalka ee la geeyay waddanka Haiti dib loogu soo celiyo dalka.
Kalonzo iyo Eugene ayaa sidoo kale doonaaya in meesha laga saaro amarkii 25-kii June ee sanadkii hore aqalka barlamaanka dalka uu awooda u siiyay militariga dalka si ay u xakameyaan ammaanka magaalooyinka waweyn sida Nairobi.