7 qof oo hal qoys ah oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Nakuru

0
534

Todobo qof oo hal qoys ahaa ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Booliska ayaa sheegay in shilkan uu dhacay habeenimadii xalay , ayna ku dhinteen afar carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn.
Shilka ayaa ka dhacay wadada isku xirta Naivasha iyo Longonot.
Meydadka todobadaas xubnood ayaa la geeyey magaalada Naivasha.