Maxkamadda Turkiga oo 7 saxafi u xirtay bannaanbax lagaga soo horjeeday Erdogan

0
340

Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa shalay xabsiga ku sii reebtay 7 wariye oo lagu eedeeyay inay tabinayeen dibadbaxyada ballaaran ee ka dhashay xarigga siyaasiga ugu weyn ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Bannaanbaxyada lagaga soo horjeedo Erdogan ayaa ila iyo hadda lagu xiray in ka badan 1,400 oo qof.
Dadweynaha Turkiga ayaa tan iyo 19-kii bishan Maarso dibadbaxyo ka waday gudaha Turkiga kadib xarigii lagula kacay duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu oo la sheegay inuu yahay siyaasiga u cadcad inuu Recep Tayyip Erdogan uga guuleeysto doorashada soo socoto ee Turkiga.