Ugu yaraan 38 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ku qaadday Qaza 24-kii saac ee la soo dhaafay sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas.
Waddamada Qatar iyo Sacuudi Carabiya ayaa cambaariyay weerarada militariga Israa’iil ee ay ku dhinteen 6 qof ee dalka Suuriya.
Dhanka kale Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha uu ka geysanayo Yemen xilli ay saraakiisha ugu sareysa ay wajahayaan baaritaanno la xiriira la wadaaga qorshayaasha milateri ee lala wadaagay qof saxafi ah xilli ay saraakiishan ku wada sheekeysanayaan app-ka fariinta ee Signal-ka.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 50,259 lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii halka lagu dhaawacay 113,828 kale oo Falastiniyiin ah.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.