Hoggaamiyaha militari ee Niger oo loo dhaariyay xil madaxweyne

0
924

General Abdourahamane Tchiani ayaa loo dhaariyay madaxweynaha maamulka ku meel gaarka ah ee dalka Niger muddo 5 sano ah.
Taliyahan militari ayaa waddankaasi hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2023-kii ka dib markii uu afgembiyay madaxweynihii la doortay ee Niger Maxamad Bazoum .
General Tchiani ayaa xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda dalka Niger ee Niamey ka sheegay in ay sharaf u tahay in mas’uuliyaddan lagu aaminay oo uuna ilaalin doono kalsoonida loo muujiyay.