Trump oo canshuur ah boqolkiiba 25 saaray baabuurta laga keeno dibadda Maraykanka

0
885

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyay canshuur ah boqolkiiba 25 oo la saaraya baabuurta laga soo dejiyo dibadda xukuumadda Washington.
Arrintan ayaa sidoo kale saameynaysa agabka kala duwan ee gawaarida.
Trump ayaa aqalka cad ee White House ee Maraykanka looga arrimiyo ka sheegay in canshuurtan ay dalalka shisheeye dib uga soo celin doonto lacagaha maadaama sida uu hadalka u dhigay ay kala wareegeen shaqooyinkooda iyo hantidooda.
Madaxweyne Donald Trump oo horay u ballan qaaday dib u soo nooleynta wax soo saarka Maraykanka ayaa xusay in canshuurahan ay dardargelin doonaan kobac si aan horay loo arag.
Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in canshuurahan ah boqolkiiba 25 ee la saaraya baabuurta iyo agabkooda laga keena dibadda dalkaasi ayaa dhaqan geli doono 2-da bisha Afaraad ee sanadkan waxayna badbaadin doonaan oo ay xoojin doonaan warshadaha baabuurta ee Maraykanka.
Hasa ahaate , canshuuraha uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxaa walaac ka muujiyay oo cambaareeyay saaxiibbo muhiim oo dhanka ganacsiga sida Midowga Yurub, Canada iyo Japan.
Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ku tilmaantay kuwo aan u wanaagsanayn ganacsiyada sidoo kalena u daran macaamiisha.
Waxay barta X ku sheegtay in Midowga Yurub ee EU-da uu sii wadi doono raadinta xalal laga wada xaajooday isagoo dhanka kale ilaashanaya danahiisa dhaqaale.