Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa weli wado duqeymaha ay ka gaysanayaan Qaza.
Waxay sheegeen in weerarro ay fuliyeen ka hor inta uunan maanta waaga baryin ay ku dileen afhayeenkii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Abdel-Latif al-Qanoua.
Waxaa duqeymahaasi looga takhalusay 8 qof oo kale oo Falastiiniyiin ah.
Dhanka kale , qaramada midoobay ayaa laga soo xigtay in duullaanka dib loo cusbooneysiiyay ee Qaza ay hal toddobaad gudihiisa Israa’iil ku barakicisay in ka badan 142,000 qof.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii la dilay ugu yaraan 50,183 qof halka muddadan gudaheeda la dhaawacay 113,828 kale oo Falastiiniyiin ah.