Dhallinyaradda Busia oo loogu baaqay inay ku biiraan machayada lagu barto xirfada macalinnimada

0
307

Dhallinyaradda haatan ka soo baxaayo dugsiyada sare ee ismaamulka Busia ayaa loogu baaqay inay ku biiraan machayada waddanka ee lagu barto xirfada macalinnimada.
Waxaa lagu booriyay inay xirfada uga faa’iideyaan bulshada maadama ay sii yaranayaan barayaasha manhajka cusub ee CBC.
Sidoo kale waxaa baaq loo diray macalimiinta horey u bartay manhajikii hore ee 8-4-4 si ay uga qayb qaataan CBC oo ay iska dhisaan xirfadaas.