Guddiga turxaan bixinnta guddoomiyaha madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa galabta soo gabagabeyn doona wareysiyada ku aadan xilka gudoomiyaha.
11-ka musharax ee u sharaxan jagadan ayaa waxaa ka mid ah saddex dumar ah oo kala ah Joy Brenda Masinde-Mdivo, Ann Amadi iyo Lillian Wanjiku Manegene.
Ilaa hadda 8 musharax ayaa la wareystay, iyadoo dufcadii ugu dambeysay oo ay ka mid yihiin Lillian Wanjiku Manegene (Kirinyaga), Robert Akumu Asembo (Busia), iyo Saul Simiyu Wasilwa (Bungoma) lagu wadaa inay maanta wajahaan guddiga.
Guddiga turxaan bixinnta oo uu hoggaaminayo guddoomiye Dr. Nelson Makanda ayaa loo xil saaray buuxinta booskii uu banneeyay madaxii hore ee guddiga IEBC Wafula Chebukati, kaasoo bishii la soo dhaafay u geeriyooday kansarka maskaxda.
Guddiga ayaa shacabka u xaqiijiyay hannaan xulis ah oo caddaalad iyo hufnaan leh si loo hubiyo in shakhsiyaadka daacadnimada ugu sarreeya ay hormuud ka noqdaan Doorashada Guud ee 2027-ka.
Dhanka kale wareysiyadda 6-da jago ee banaan ee gudoomiyayasha kale ayaa bilaabmi doona maalinta berito ah waxaa ayna socon doonaan ilaa khamiista oo ku beegan 24-ka April ee 2025.