Justine Muturi oo ka jawabay eedeeyntii uu madaxweyne Ruto u jeediyay

0
241

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha dalka Justin Muturi ayaa jawaab ka bixiyay eedeeyntii uu madaxweyne William Ruto uu ku tilmaamay inuu ahaa nin aan si cadaalad ah u gudan jirin waajibaadkiisa xilligii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee waddanka.
Ruto ayaa arrintan ka dhawaajiyay xilli uu ka hadlaayay afur uu u sameeyay qaar ka mid ah muslimiinta taasoo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka ee state house.
Waxaa uu sheegay in xeer ilaaliyihii hore uu dib u dhigay soo daabicida Sanduuqa Awqaafta Muslimiinta (Waqf) oo ay soo jeediyeen hoggaamiyeyaasha Muslimiinta.
Xilli uu eedeeyntan ka jawaabaayay ayuu Muturi waxaa uu sharaxay in Sharciga Waqf No.8 ee 2022-ka uunan ku jirin qodob loogu talagalay Sanduuqa Awqaafta Muslimka.
Xeerka Waqfka ayaa dhaqan galay 31-dii Maarso ee 2022 balse ila iyo hadda lama howlgelin.
12-kii July ee 2023 ayuu Muturi waxaa uu magacaabay guddi turxaan bixin oo ka kooban 5 xubnood si ay u magacaabaan guddoomiyayaasha Sanduuqa Awqaafta Muslimiinta taasoo si rasmi ah uu ugu dhaabacay wargeyska dowladda.
Muturi ayaa sidoo kale warqad u qoray wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga mushaaraadka iyo gunnada (SRC), isaga oo doonaya in miisaaniyad iyo gunnooyin loo qoondeeyo guddiga turxaan bixinta.
18-kii April 2024-kii, guddiga turxaan bixinta ayaa yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhaarin jagooyinka bil ka dib.
Muturi ayaa 11-kii June ee sanadkaas waxaa uu xayaysiin ku shaaciyay in uu doonayo in qofkii ku habboon hoggaaminta guddiga Waqafka ay codsiyada soo dirsadaan.
Intii ay socotay isku dabaridka arrimahan ayaa madaxweyne Ruto uu kala diray golaha wasiiradda kadib mudaaharaadyadii dhallinyradda Gen-Z ee looga soo horjeeday sharciga maaliyadda ee 2024-ka.
Dorcas Oduor ayaa 21-kii bishii sideedaad la wareegtay xafiiska xeer ilaaliyaha guud balse ila iyo hadda ma aysan soo howgalinin guddiga Waqafka.