Mid ka mid ah ilaalada afhayeenka aqalka Madaxtooyadaoo xalay nin toogtay

0
623

Saraakiisha booliska ee saldhiga Muthangari ee magaalada Nairobi ayaa baaraya dhacdo uu askari ilaalo u ahaa afhayeenka aqalka madaxtooyada Xuseen Maxamed uu ku toogtay muwaadin .
Warbixin uu soo saaray booliiska, ayaa askariga oo lagu magacaabo Muhammed Yusuf Keinan ku sheegay in ay seddax nin soo weerareen xilli uu gurigiisa ku socday abaare 8.00 fiidnimo ee xalay.
Muhammed Yusuf Keinan ayaa tilmaamay in mid kamid ah dadkii soo weeraray uu la qabsaday bastooladiisa balse uu dib u soo ceshtay.
Dhawr jeer oo uu rasaas kor u riday ayaa la sheegay in ay sababatay dhimashada .
Booliska ayaa baaraya dhacdadan.