Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha dhijitaalka ah (MICDE) ayaa lagu wadaa in ay daah-furto Istaraatiijiyadda Sirdoonka macmalka AI-da ee Kenya ee 2025-2030.
Daaf furka ayaa la filayaaa inuu Khamiista oo ah 27-ka Maarso uu ka dhaco Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee KICC.
Istaraatiijiyadda ayaa waxaa soo saaray kooxda qaran ee shaqada AI iyo guddiga hagidda iyadoo la tashiyo ballaaran la sameeyay Hay’adaha dowladda, daneeyayaasha ganacsiga gaarka ah, akadeemiyadda, bulshada rayidka ah, saaxiibada caalamiga ah iyo bulshooyinka maxalliga ah.
Daahfurka ayaa waxaa hoggaamini doona wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha dhijitaalka ah William Kabogo Gitau oo ay wehlin doonaan Xoghayaha Maamulaha Dhaqaalaha Dijitaalka ah Eng. John Tanui iyo saraakiil sare oo kale oo dowladda ah, la-hawlgalayaasha iyo daneeyayaasha ganacsiga gaarka ah.