100 dhallinyaro ah oo isu soo diibay booliiska Mombasa

0
329

Waxaa maanta xaflad ka dhacday hoolka Nikodem ee deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa isu soo diibay 100 dhalinyaro ah oo horay dambiyo u galay.
Dhallinyaradan ayaa ballan ku qaaday inay ka tanaasulayaan falal dambiyeedkii ay horey u geesteen oo ay ka mid noqoni doonaan bulashada kale ee deegaanka.
Taliyaha booliiska gobolka xeebta Cali Nuno, guddoomiyaha ismaamulka Mombasa Mohammed Nur, ku xigeenka barasaabka Francis Thoya iyo Wakiilka degmada Timbwani Hamisi Salim ayaa ka mid ahaa madaxdii guddoominayay munaasabadda.
Qaar ka mid ah shakhsiyaadkan is bedelka sameyay ayaa ku lug lahaanshahooda hore ee dambiyada u sababeeyay xiriirka xumaaday ee ay la lahaayeen hay’adaha ammaaanka.
Waxaa kale oo ay ka dayriyeen in siyaasiyiinta ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada jilicsan xilliyada ololaha doorashada, iyagoo ku andacoonay in inta badan la dayaco markii ay soo gabagaboowda doorashada.
Booliiska ayaa balan qaaday in ay dhalinyarada ka taageeri doonaan sidii ay u heli lahaayeen nolol xalaal ah, iyadoo ururada bulshada rayidka ay ku dhiiri galiyeen in ay iska diwaan galiyaan machadyada Farsamada Gacanta (TVET) iyadoo qarashaadka waxbarashada ay bixinayaan maamulka dowladda hoose ee Mombasa iyadhoo loo soo marsiinayo gudiga amaahda waxbarashada sare ee HELB.
Dowladda hoose ee Mombasa ayaa sidoo kale u xaqiijisay dhallinyarada in ay heli doonaan shaqooyin ku saleysan farsamada gacanta.