Mudavadi oo cambaareeyay weerar shalay lagu qaaday xildhibaanka Mumias

0
502

Madaxa golaha wasiirada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa cambaareeyay weerar ay shalay koox dhalinyaro ah ku qaadeen xildhibaanka laga soo doortay bariga Mumias Peter Salasya galabnimadii Axaddii shalay intii lagu guda jiray ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Kenya ay kula ciyaartay Gabon garoonka Nyayo Stadium, halkaasoo ay ka soo qeyb galeen kumanaan taageereyaal ah.
Salasya ayaa la weeraray oo si qasab ah looga saaray garoonka, kaddib markii ay isku dhaceen qeyb ka mid ah dadkii ku sugnaa garoonka.
Bayaan uu soo saaray, Mudavadi ayaa ka digay in dulqaad la’aantu ay wiiqdo dimuqraadiyadda.
Waxaa uu ku booriyay Kenyaanka inay diidaan kala qaybsanaanta, isagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara xasilloonida qaranka.
Musalia Mudavadi ayaa maadxweynaha dalka William Ruto iyo Raila Odinga ku wehelinayay daawashada ciyaartaasi oo ay Kenya ku guuldaraysatay 2-1.