Ciidamada israa’iil oo weerar ka gaystay isbitaal ku Yaala Qaza

0
440

Duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay isbitaal ku yaalla koonfurta Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan labo qof oo ay ku jiraan sarkaal sare oo Xamaas ah iyo wiil 16 jir ah, sida ay sheegeen Xamaas iyo saraakiisha caafimaadka.
Ismail Barhoum, oo xubin ka ahaa xafiiska siyaasadda Xamaas, ayaa la dilay isagoo lagu daweynayo Isbitaalka Nasser ee Khan Younis ee galinkii dambe ee sahalay , Xamaas ayaa bayaan ku sheegtay.