Dambi baarayaasha Dalka oo xirey nin haweeneey dilay

0
299

Ciidamada dambi baarista ee ismaamulka Kirinyaga ayaa xiray nin 24 sano jir ah oo lagu eedeeyay in uu dilay gacalisadiisa kadibna uu meydkeeda ku dhex aasay haan wasakhdalagu rido .
dhacdadan ayaa laga soo tabiyay guri ku yaala magaalada Ngurubani ee hoos taga bariga Mwea.
Taliyaha booliiska ee bariga Mwea ayaa xaqiijiyay in tuhmanaha,oo lagu magacaabo Brian Wambugu Mwangi, la qabtay habeenimadii xalay isaga oo ku dhuumaalaysanaya Mwariko Estate, ee gudaha magaalada Ngurubani.
Sida laga soo xigtay madaxa booliiska, Wambugu waxaa loo kaxeeyay saldhigga booliiska Wang’uru si su’aalo looga weydiiyo dilka uu fuliyay.