Ukraine oo diyaar u ah in ay joojiso weerarrada ka dhanka ah goobaha tamarta

0
202

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay joojiso weerarrada ka dhanka ah goobaha tamarta ee Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sidatan ku baaqay.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin uu u xaqiijiyay inuu diyaar u yahay sidii loo soo afjari lahaa duullaanka militari ee Ukraine.