Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’oei ayaa sheegay in koox Kenyan ah oo ka timid magaalada Bangkok ay heleen fiisaha safarka ayna booqdeen xabsiga Hoi Chi Minh ee Vietnam, halkaasoo lagu hayo Margaret Nduta, oo Kenyan ah oo loo haysto eedeymo la xiriira daroogada.
Bayaan uu soo saaray, Sing’oei wuxuu ku xaqiijiyay in Nduta ay nooshahay .
Waxa uu shaaca ka qaaday in la xukumay iyada oo aan loo helin wax qareen ah balse racfaan dhawaan la gudbiyay ayaa lagu wadaa in la dhageysto.
Nduta ayaa la xiray sanadkii 2023-kii markii ay ka dagtay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Vietnam ka dib markii lagu helay labo kiilo oo nooca daroogada kookeynta ah.
Si kastaba ha ahaatee, qoyskeedu waxay ku adkaysanayaan in daroogada uu qof u galiyay boorsadeeda.
Vietnam waxay leedahay qaar ka mid ah sharciyada ugu adag ee la xiriira daroogada adduunka oo dhan, taasi oo leh ciqaabo u dhexeeysa xabsi-dheer ama xukun dil ah .