Booliska ayaa soo saaray meydka nin da’ dhexaad ah oo ku qaraqmay xilli uu ku dabaalanayay wabiga Tana ee magaalada Gaarisa.
Sida lagu sheegay warbixinta booliiska, Richard Kimani, oo ahaa farsamayaqaan, ayaa ku nasanayay jiinka webiga xili ay wadajoogeen saaxiibkiisa.
Daqiiqado ka dib, saaxiibkii ayaa waayay Kimani isagoona qeylo dhaan u diray dadkii ka agdhawaa goobta wabiga.
Taliyaha Booliska ee Ismaamulka Garissa Samuel Boit ayaa uga digay dadka deegaanka inay ku dabaashaan wabiga isagoo xusay in heerka biyuhu ay sii kordhayaan roobabka ka da’aya ismaamulada kale ee dalka.
Waxa uu ku booriyay dadka deegaanka in ay ka fogaadaan wabiga, isagoo xusay in halkaas ay ku jiraan xayawaano halis ah sida Yaxaasyada.
Meydka ayaa loo qaaday goobta meydadka lagu keydiyo ee Gaarisa si loo xaqiijiyo sababta keentay dhimashadiisa.
Alex Njeru oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa uga digay bulshada in ay tagaan wabiga sababo la xariirta roobabka ka da’aya bartamaha dalka kuwaas oo wabiga ku soo shubaya biyo badan.