Barasaabka dowlad deegaanka Meru Isaac Mutuma M’Ethingia ayaa qareen Linda Kiome u magacaabay ku xigeenkiisa taasi oo sugaysa ansixinta golaha deegaanka Meru ka hor inta aysan xilka qaban.
Magacaabiddeeda guddoomiye ku-xigeenka ayaa timid ka dib markii dhawaan guddoomiye Mutuma uu xilka la wareegay.
Tan ayaa timid kaddib markii dhawaan xilka laga qaaday Kawira Mwangaza oo ahayd baarsaabka ismaamulka Meru.
Bishii Janaayo 2025-ka, ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu Kiome u magacaabay guddoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee (IEBC), iyadoona ku xigeen u noqotay Nelson Makanda.
Ismaamulka Meru ayaa ahaa goob ay ka jireen khilaafyo siyaasadeed iyo xasilooni darro dhanka hoggaanka ah tan iyo doorashadii guud ee 2022-ka.