Suudaan oo cambaareysay Kenya

0
437

Dowladda Suudaan ayaa Kenya ku cambaareysay marti gelinta hoggaanka saraakiisha sida militariga u tababaran ee (RSF) oo dagaal kula jiro ciidamada militariga ee waddankaasi.
Waxay tani ku tilmaantay mid si cad u baal marsan xeerarka caalamiga ah.
Shalay ayay ahayd markii la soo tabiyay in RSF ay munaasabad ku qabsatay magaalada Nairobi.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay waxay ka digtay in tallaabada ka dhacday Kenya oo kale ay kala geyn karto dalalka Afrika taasina ay xadgudub ku tahay gobonnimadeeda ayna faragelin ku tahay arriimaheeda gudaha.