Xildhibaanka deegaanka Juja oo maxkamad la soo taagay

0
394

Waxaa maanta maxkamadda Kiambu ka soo hor muuqday mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Juja ee dowlad deegaankaasi George Koimburi.
Shalay ayay ahayd markii la xiray wuxuuna wajahaya dacwado dhowr oo ay ka mid tahay inuu ka been sheegay ama uu farsameeyay shahaadooyinkiisa waxbarasho.
Sidoo kale , waxaa lagu eedeyay in uunan maxkamadda hor tagin in kastoo marar badan looga yeeray.
Warqadda dacwadda ayaa muujinaysa in xildhibaanka uu ku eedeysan yahay inuu intii u dhexeysay bilihii 11-aad iyo 12-aad ee sanadkii 1994-tii uu sameystay shahaadada golaha imtixaanaadka qaran ee KNEC ee KCSE-da.
Koimburi ayaa sidoo kale loo haystaa inuu sameystay shahaado been abuur ah oo muujinaysa laga billaabo bishii Sagalaad ee sanadkii 2011-kii iyo bishii Afaraad ee 2012-kii uu ka qayb qaatay mashruuca jaamacadaha Bariga Afrika ee jaamacadda (JKUAT).
Dacwadda saddexaad ayaa ah inuu shahaado faalis ah ka qaatay qaybta horumarinta iyo maareynta shaqaalaha ee jaamacadda JKUAT.
Xildhibaanka ayaa lagu eedeyay inuu shahaadooyinkan u gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC-da 8-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2021-kii.
Shalay ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay oo la geeyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa uu dhawaan sheegay in dowladdu ay ololihii Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da ay ku qarash gelisay 13 bilyan oo shilin.
Qareenkiisa ,Ndegwa Njiru ayaa horay u sheegay in Koimburi loo xiray hadalka uu jeediyay in kastoo dacwadaha maanta lagu soo oogay ay ku saabsan yihiin adeegsiga shahaadooyinka waxbarasho oo been abuur ah.