Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa ku talinaya in wajiga labaad ee dhaqangelinta heshiiskii xabbad joojinta ee Qaza ee ay la saxiixdeen Israa’iil , hal mar ah labada dhinac ay isku dhaafsadaan dhammaan maxaabiista u kala xiran.
Waxay Xamaas sheegtay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in la gaaro heshiis waara.
Sidoo kale, Xamaas ayaa doonaysa in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan Qaza.
Xamaas ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay siidayn doonto 6 maxaabiis ah oo u dhashay Israa’iil oo uu heshiisku ahaa in la fasaxo Sabtidii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa sheegay in toddobaadkan la qabanaya wada xaajoodyada la xiriira marxaladda labaad ee is-afgaradka .
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in duullaanka militari ee Qaza lagu dilay 48,291 Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 111,722 kale.