Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay buuraha Calmiskaad gobolka Bari , kaasi oo mar kale lala beegsaday xubnaha daacish ee ku dhuumaaleysanaya gobolkaasi.
Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Sheebaab oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo haatan cadaadis xooggan kala kulmaya Puntland.
Qoraal ka soo baxay Taliska Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan Daacish kuwaasi oo isku urursanayay god u dhaw deegaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad.
Taliska Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa bayaanka uu soo saaray intaasi ku daray in hawlgalka ay fulisay dowladda Imaaraatka Carabta.
Duqeyntan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish lagu dilay illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal iyo saanad.
Diyaaradaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya howlgal ka socda Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.