Waxaa maxkamadda ugu sarreysa dalka Brazil la geeyay dacwad ka dhan ah madaxweynihii hore ee waddankaasi Jair Bolsonaro iyo dhowr ka mid ah taageerayaashiisa.
Dacwad oogaha guud ee Brazil Paulo Gonet ayaa laga soo xigtay in dacwaddan ay sidoo kale wajahayaan 33 ruux oo ay ka mid yihiin wasiirro hore iyo taliyihii hore ee militariga badda .
Bolsonaro ayaa loo haystaa in isaga iyo xulafadiisa ay isku dayeen afgembi dowladeed iyagoo doonaya in ay meesha ka saaraan guul darraddii uga soo hooyatay doorashadii 2022-kii.