Baarlamaanka kenya oo bogaadiyay tartankii uu Raila u galay AUC-da

0
124

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa bogaadiyay dadaalkii uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee waddanka Raila Odinga uu ku bixiyay u tartamidda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Masika Wetang’ula ayaa si rasmi ah ugu hambalyeeyay Mahamoud Ali Youssouf oo ku guulaystay jagada AUC-da oo la doortay Sabtidii.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ,Kimani Ichung’wah ayaa dhanka kale beeniyay eedeymo la xiriiray in laaluush lagu bixiyay loollankaasi.
Sidoo kale waxaa uu gaashaanka u daruuray in garab istaaggii uu madaxweyne William Ruto u muujiyay musharraxii Kenya matalayay Raila Odinga uu ahaa mid siyaasadeysan.
Xeer dejiyaasha ayaa ku baaqay in kenyaanka ay midnimo muujiyaan marka uu muwaadin u dhashay dalka uu u tartamaya xil caalami ah ama mid goboleed.