Ugu yaraan 18 qof oo ku dhaawacmay shilka diyaaradeed ee Toronto

0
373

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay dhaawacmeen ka dib markii ay rogmatay ama ay dhinac u gaddoontay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadka ee Delta Airlines.
Diyaaraddan ayaa xilligaasi ku degaysay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Toronto ee dalka Canada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhammaan 80 qof oo ay sidday ay badbaadeen.
Arrintan ayaa loo aaneeyay caqabad dhanka cimillada ah maadaama ay dabeylo xooggan jireen.