Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Masika Wetang’ula ayaa la kulmay kooxda dabagalka ku sameysa doorashooyinka ee Midowga Yurub oo uu hoggaaminaya Mr. Ivan Stefaner.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xafiiska guddoomiyaha ee xarunta baarlamaanka.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in shirka uu ku saabsanaa dib u eegista guulaha laga gaaray xoojinta dimuqraadiyadda gaar ahaan geeddisocodka doorashada.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in kooxaha sida dhallinyarada iyo haweenka lagu dhiirrigeliyo inay si firfircoon uga qayb qaataan codeynta.
Waxaa uu wafdiga la wadaagay in Kenya ay horumar ka gaartay sare u qaadidda ka qayb gelinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhallinyarada.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in xisbiyada siyaasadeed laga doonaya inay dib u eegis ku sameeyaan xeerarkooda si loo taageero kooxaha nugul oo fursad loogu siiyo in ay doorkooda ku biiriyaan maamulka arrimaha dalka.