Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa hoggaaminaya wafdiga la kulmaya saraakiisha uu hor kacaya dhiggiisa Maraykanka Marco Rubio.
Wada hadallada oo lagu yeelanaya Sacuudi Carabiya ayaa ku saabsan dagaalka Ukraine.
Dhanka kale , madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in aynan shirkaasi ka qayb geli doonin maadaama aan lagu casuumin.
Afhayeen u hadlay dowladda Ruushka ayaa hoosta ka xarriiqay in wada hadalladan ay caddeyn karaan suurtagalnimada kulanka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Maraykanka Donald Trump.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale dowladda Ukraine ay sheegaysa in Ruushka uu xalay ku qaaday 147 weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Xukuumadda Kyiv ayaa xustay in la soo riday 83 oo diyaaradahaasi ka mid ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Donald Trump uu sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada arrinsan doonaan soo afjaridda duullaanka militari ee Ukraine.