Waxaa xabsiga loo taxaabay Joseph Muriithi Kibutu oo 33 sano jir ah.
Ninkan ayaa lala xiriiriyay afduub shalay aagga Mwihoko ee ismaamulka Kiambu loogu gaystay wiil 7 sano jir ah.
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay wada fuliyay saraakiisha booliiska iyo dambi baarayaasha ka howlgalo saldhigga Githurai.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in waalidiinta canugga yar ay waayeen wiilkooda xilli ay ka adeeganayeen Savory Supermarket oo ku yaalla aagga in Mwihoko.
Waalidiinta ayaa isku dayay in ay canugooda raadiyaan balse kuma aysan guulaysan.
Waxaa markii dambe soo wacay qof aynan aqoon oo u sheegay inuu wiikooda gacanta ku haya balse uu dalbanaya 100,000 oo shilin oo lacag madax furasho ah si loo soo siidaayo.
Saraakiisha oo arrintan lagu soo war geliyay ayaa durbaba howlgalay waxayna eedeysanaha ka soo saareen goob uu ku dhuumaaleysanayay oo ka tirsan aagga Githurai Railway .
Waxay soo badbaadiyeen canugga yar oo ay waalidiintiisa ku wareejiyeen.
Joseph Muriithi Kibutu ayaa hadda ku jiro saldhigga wuxuuna maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.