Labo qof oo looga shakiyay argagixisannimo oo lagu xiray Mandera

0
687

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in booliiska qaabilsan la dagaallanka argagixisada ee Bariga ismaamulka Mandera ay xireen labo ruux oo looga shakiyay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab.
Waxaa lagu tuhmay in ay qorsheeyeen afduubidda koox ajaaniib ah oo ka shaqeynaya goob laga dhisaya marin bullaacadeed oo ku taalla bartamaha Mandera.
DCI ayaa hoosta ka xarriiqday in iyadoo la adeegsanaya xog sirdoon, in saraakiisha ay si degdeg ah gacanta ugu dhigeen eedeysanaha ugu muhiimsan oo lagu magacaabo Isaaq Cabdi Maxamad oo loo yaqaano Kharan Cabdi Xassan oo 29 sano jir ah.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in shakhsigan uu dhawaan waddanka si qarsoodi ah uga soo galay Ceel-Cadde oo ka tirsan Soomaaliya isagoo sameystay aqoonsi been abuur ah oo uu isaga dhigaya muwaadin kenyaan ah.
DCI ayaa sheegtay in baaritaan dabagal ah oo la sameeyay lagu ogaaday in eedeysanaha uu doonayay inuu lacag dhan 100,000 oo shilin uu siiyo qof maxalli ah oo ka caawinaya afduubka ka hor inta aysan isaga iyo Nuur Yaquub Cali oo 29 sano ah , ajaaniibta ugu gudbin Ceel-Cadde iyagoo howshaasi ku qaadanaya 300,000 oo shilin.
Laamaha ammaanka oo howlgal kale saaka sameeyay ayaa eedeysanaha labaad Nuur Yaaquub Cali ka soo qabtay aagga Metameta ee Mandera township .
Labada qof ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxayna marayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda loo soo taagin ka mid ahaanshaha koox argagixiso taasi oo dembi culus ah sida ku xusan xeerka ka hor tagga argagixisada ee (POTA).
Tani ayaa imaanaysa iyadoo horraantii bishan ilaa 5 guddoomiye xaafadeed ah laga afduubtay ismaamulka Mandera .
Madaxweynaha dalka William Ruto oo falkaasi ka dib socdaal ku tagay Mandera ayaa amray in lagu dadaalo sidii loo soo badbaadin lahaa saraakiishaasi.