NEMA oo dadka carrada gudbiya ku amartay in ay oggolaansho haystaan

0
278

Maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee (NEMA) ayaa dhammaan shakhsiyaadka carrada gubiya ku amray in ay qaataan oggolaansho.
Tani ayaa qayb ka ah xeerarka cusub ee deegaanka sida ay NEMA ku sheegtay wargelin maanta ku taariikhaysan.
Waxaa oggolaanshaha laga codsan karaa barta rasmiga ee maamulkan.
Agaasimaha guud ee NEMA ,Mamo Boru Mamo ayaa hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay badbaadinta deegaanka.
Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in carrada looga faa’iidaysto kheyraad ahaan iyadoo dhanka kalena la ilaalinaya deegaanka.