Wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay soo dhisaysa guddi ka shaqeyn doono in si aan qasab ahayn Falastiiniyiinta looga saaro Marinka Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxwyenaha Maraykanka Donald Trump uu qorshahan muranka dhaliyey uu shaaciyay taasi oo Israa’iil ay xustay in ay ku waafaqsan tahay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa tabinaysa in dhanka kale militariga Israa’iil ay isku diyaarinayaan in ay Khamiista la wareegaan meydadka 4 qof oo ka mid ahaa dadkii u xirnaa Xamaas.
Sidoo kale , waxaa maanta ku eg wakhtigii kama dambeyska ahaa ee loo qabtay ciidamada Israa’iil in ay ka baxaan gudaha Lebanon.
Hasa ahaate, militariga Israa’iil ayaa sheegaya in ciidamadiisa ay ku sii sugnaan doonaan 5 meelood oo xiga dhanka xadka oo istaraatiiji ah in kastoo xukuumadda Beirut ay arrintan ka soo horjeeddo.