Senatarka ismaamulka Nandi Samson Kiprotich Arap Cherargei ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo dastuurka waddanka.
Waxaa uu ku talinaya in tani loo mari karo dhaqangelinta warbixintii guddigii qaran ee wada hadallada ee NADCO.
Cherargei ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay horseedi karto in la soo dhiso xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka xilkaasina loo magacaabo Raila Odinga .
Waxaa uu senatarka Nandi sheegay in aan la lumin karin hoggaaminta iyo waaya aragnimada Raila ee sida uu qoraalka u dhigay uunan ka faa’iidaysan Midowga Afrika.
Cherargei ayaa xusay in tani ay tahay sida keliya ee loogu mahadcelin karo laguna abaal marin karo Raila gaar ahaan halgankii uu u galay nidaamka maamulka iyo dimuqraadiyadda ee dalka.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaanka deegaanka Belgut ee ismaamulka Kericho Nelson Koech uu ku taliyay in Raila Odinga oo Sabtidii ku guul darreystay xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da in dalka laga siiyo jago sare.
Waxaa uu xusay in Mr. Odinga uu waxyaabo badan ku soo kordhin karo dowladda talada haysa.