DHEGEYSO: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad ee soomaaliya oo faahfaahiyay saameynta isbeddelka cimillada

0
297

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ka qeyb-galay bandhigga Hindisaha Waxbarashada ee Isbeddelka Cimillada oo laga daah-furay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dowladdu ay muhiimad gaar ah siinayso waxbarashada gaar ahaan dhanka saameynta isbeddelka cimillada.
Waxaa uu xusay in la qorsheeyay in sanadaha soo socda dalka Soomaaliya uu wax weyn ka qaban-doono dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada iyo xalkii lagu yareyn lahaa wax-walba oo halis keeni kara.