Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta xildhibaankii deegaan baarlamaneedka Malava ee ismaamulka Kakamega Malulu Injendi ee geeriyooday.
Waxaa uu ku tilmaamay saaxiib si hagar la’aan ah ugu adeegayay dadweynaha deegaankaasi.
Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Injendi uu aaminsanaa helidda fursado siman, inuu daacad ahaa oo uu diiradda saari jiray adeegga dadweynaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in xildhibaanka geeriyooday lagu xusuusan doono sidii uu u jeclaa arrimaha waxbarashada.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid guddoomiyihii qaran ee ururka maamuleyaasha dugsiyada hoose dhexe ee dalka ee KEPSHA Johnson Nzioka .
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa xaqiijiyay geerida xildhibaanka Malava.
Waxaa uu sheegay inuu abaare 5:15 galabnimo ee shalay uu ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Nairobi ka dib muddo kooban oo uu xanuunsanaa.
Injendi ayaa shacabka Malava baarlamaanka ku matalayay tan iyo sanadkii 2013-kii wuxuuna ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga waxbarashada iyo cilmi baarista.
Wetang’ula oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaanka ayaa sheegay inuu wax badan ku biiriyey geeddisocodka xeer dejinta.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi , wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah, xildhibaanka deegaanka Kimilili Didmus Barasa , senatarka ismaamulka Trans Nzoia Allan Chesang , xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Likuyani Innocent Mugabe iyo siyaasiyiin kale.
Dhanka kale , senatarkii ismaamulka Baringo William Cheptumo oo maalmo ka hor geeriyooday ayaa isna meydkiisa la aasi doonaa 1-da bisha 3-aad ee sanadkan.
Waxaa lagu aasi doonaa deegaanka hoose ee Bartabwa ee Baringo.
Waxaa qorshaha aaska isku duba ridaya guddi uu hoggaaminaya wasiir hore Simon Chelugui.