Kindiki oo ka falceliyay guul darradii Raila ee AUC-da

0
198

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kenya aynan horay u tartamidda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da u soo bandhigin musharrax ugu qalmay sida Raila Odinga oo kale.
Waxaa uu xusay guul darrada dhacday in kastoo qorshaha Raila ee Afrika uu ahaa mid cad olole xooggana la geliyay , in la is waydiiyo waxyaabaha la sixi karo tartamada mustaqbalka. \
Kindiki ayaa sheegay in madaxweynaha dalka William Ruto, Raila Odinga iyo kooxdiisi ololaha ay dhammaantood dadaaleen inta karaankooda ah balse aan nasiib darro la guulaysan.
Waxaa uu tilmaamay in Kenya ay ku faanaysa inay aad ugu dhawaatay qabashada jagada AUC-da oo xilligeeda la gaari doono.
Kindiki ayaa u mahadceliyay cid kasta oo Kenya garab istaagtay.
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa sheegay in Raila Odinga oo garab ka helaya madaxweynaha dalka uu dadaal badan muujiyay.
Waxaa uu xusay in ay qadarinayaan natiijada soo baxday oo ayna u hambalyeynayaan Maxamuud Cali Youssouf iyo ku xigeenkiisa Selma Haddadi.
Musalia ayaa sheegay in ay mas’uuliyiintan ka rajeynayaan inay qaabeeyaan mustaqbalka Midowga Afrika.