Wasiirka wasaaradda deegaanka, kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barra Ducaale ayaa sheegay in safarka ay Afrika ugu jirto midnimada iyo barwaaqada uu ku sii xoogeystay ololihii uu Raila Odinga u galay la wareegidda xilka AUC-da.
Ducaale ayaa sheegay in hiigsiga Raila ee dimuqraadiyadda iyo maamulka uu ahaa mid muuqda.
Tani ayuu tilmaamay in ay muujisay doorka ay Kenya ku leedahay qaabeynta arrimaha qaaradda ee mustaqbalka.
Waxaa uu sheegay in taageerada madaxweynaha dalka William Ruto ee musharraxa ay caddeysay in Kenya ay diyaar u tahay hoggaaminta Afrika.
Wasiir Ducaale ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay bogaadinayaan guusha Mahmoud Cali Youssouf oo ay rajeynayaan in Afrika ay ku midowdo danteeda iyo horumarkeeda.