Gachagua oo cafis waydiistay dadweynaha ku nool bartamaha dalka

0
269

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa shacabka ku nool bartamaha waddanka ee Mt. Kenya ka codsaday inay cafis u fidiyaan isagoo tani u aaneeyay wax uu ku tilmaamay inay ku marin habaabiyeen dadweynaha ka hor doorashadii guud ee 2022-kii.
Isagoo ka hadlayay Kaniisadda Full Gospel Church ee magaalada Ol-Kalou ee ismaamulka Nyandarua ayuu Gachagua sheegay inuu diyaar u yahay inuu cafiyo kuwii u geystay dhibaatooyinkii keenay in xilka laga tuuro.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay in isaga iyo dadka ay ku adkaan doonto inay illaawaan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay barteen oo ay fahmeen saaxiibbadooda dhabta ah.
Safarkan ayaa Gachagua waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah xulafadiisa sida Senatarka ismaamulka Nyandarua John Methu, dhiggiisa Kiambu Karungo Thang’wa, Xildhibaanada kala ah Wanjiku Muhia ee deegaanka Kipipiri, Jayne Kihara ee deegaan barlamaaneedka Naivasha iyo dhiggooda Waqooyiga Kajiado Onesmus Ngogoyo.
Gachagua ayaa xulafadiisa oo tan iyo markii uu barlamaanka qaranka dib u furmay laga wareejiyay xilalkii jagooyinka hoggaanka baarlamaanka u sheegay inaysan ka welwelin balse taasi beddelkeeda ay hubiyaan inay si hufan ugu adeegaan dadka.