In ka badan 35,000 oo ay Israa’iil ku barakicisay Daanta Galbeed

0
294

Howlgallada ay Israa’iil ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee dalka Falastiin oo toddobaadyo socda ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 35,000 oo qof.
Dhanka kale ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa cambaareeyay qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la wareegidda dhulka Qaza.
Waxay sheegtay in arrintan ay tahay mid lagu fashilmi doono.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada militariga ee Israa’iil ay qof kale ku dileen magaalada Shujayea ee Qaza.
Waxaa ka sii horreysay dilka saddex qof oo ay mid ahayd haweeney uur leh.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duullaanka militari ee Qaza waxaa ku nafwaayay ugu yaraan 48,189 ruux halka la dhaawacay 111,640 kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Xafiiska warfaafinta ee Qaza ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 61,709 ruux wuxuuna intaasi ku daray in la la’yahay kumanaan kale oo ku hoos jiro burburka kuwaasi oo loo maleynaya in ay dhinteen.