Angola ayaa sheegtay Talaadadii inay isku dayi doonto inay dhexdhexaadiso wadahadal toos ah oo dhexmara dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ee lagu eedeeyay inay Rwanda taageerto maalmaha soo socda.
Ilaa hadda ma cadda in dowladda Congo oo marar badan diiday in ay wadahadal la gasho M23 ay ka qayb qaadan doonto wadahadallada.
Afhayeenka madaxtooyada Congo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay horumarkan aad uga war qabaan halka ku xigeenka afhayeenka fallaagada M23 uu ku tilmaamay “sabab guul” isaga oo xaqiijiyay joogitaanka kooxda ee wada xaajoodka.
Dalka ku yaalla Koonfurta Afrika ayaa isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo xabbad joojin waarta iyo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Congo iyo dalka deriska la ah ee Rwanda, oo lagu eedeeyay inay taageerto fallaagada uu hoggaamiyo Tutsiga.
Rwanda ayaa beenisay in ay hub iyo ciidan siisay fallaagada M23, waxaa ayna sheegtay in ciidamadeedu ay isku dayayaan in ay iska difaacaan ciidamada Congo iyo maleeshiyaadka cadawga ku ah xukuumadda Kigali.