Xabaal wadareedyo lagu arkay Libya

0
323

Maamullada dalka Libya ayaa sheegay in ay arkeen labo xabaal wadareed oo ay ku jiraan ku dhawaad 50 meydad ah.
Arrintan ayaa laga soo tabiyay saxaraha Koonfurta Bari ee Libya.
Madaxa amniga ee magaalada Kufra Maxamad Al-Fadeil ayaa sheegay in mid ka mid ah xabaalaha lagu arkay 19 meydad ah halka midka labaadna laga helay 30 meydad ah.
Waxaa weli socdo baaritaanno dheeraad ah.
Dalka Libiya ayaa horay loogu arkay xabaal wadareedyo ay ku jireen meydadka dad magan galyo doon ah.
Waddankaasi ayaa marin u ah dadka tahriibaya ee ka taga qaaradda Afrika kuwaasi oo isku daya in ay galaan dalalka qaaradda Yurub.