32 qof oo ku dhaawacantay shil ka dhacay Badda Waqooyi

0
210

Mas’uuliyiinta Ingiriiska ayaa sheegay in Isniintii shalay ehed uu Markab nooca xamuulka iyo mid siday shidaalka diyaaradaha ay isku dhaceen xilli ay maraayen xeebta Ingiriiska ee Badda Waqooyi.
Waxaa shilkan ku dhaawacantay ila iyo 32 qof.
Howlgal samatabixin ayay isku dubarideen ilaalada xeebaha ee Ingiriiska si loo soo badbaadiyo dadka saarnaa labada marka oo shilka ku galay meel qiyaastii u jirta 10 mayl ama 16 kiiloomitir xeebta dalkaas.
Maamulaha dekadda Grimsby Martyn Boyers ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 32-da qof ee dhaawacantay la keenay xeebta si loogu dhaaweyo.