Israa’iil oo laba jibaartay weerarada ka dhanka ah Qaza oo lagu dilay 8 qof

0
184

Xamaas ayaa ku dhawaaqday inuu bilaabmay “wareeg cusub oo wadahadal ah” iyadoo ergeyga Maraykanka Steve Witkoff iyo wafdi ka socda Israa’iil ay gaareen caasimadda Qatar ee Doha, si ay uga hadlaan heshiiska xabbad joojinta Qaza.
Israa’iil ayaa kordhisay weerarrada ay ku hayso Qaza, waxayna dishay ugu yaraan 8 qof oo uu ku jiro ilmo yar, iyadoo Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka ay ku baaqayaan in la joojiyo xannibaadda Israa’iil ay ku hayso dhammaan gargaarka soo gelaya Marinka.
Waxaa ay sidoo kale dib u celisay 5 muwaadin oo dhalasha ahaan Lubnaan ka soo jeedo kuwaas oo ay ka soo afduubtay gudaha dalka Lebanon.
Israa’iil ayaa dhanka kale carabka ku adkeysay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan dhulka la haysto ee Suuriya “muddo aan xadidnayn”.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 48,503 falastiiniyiin ah lagu dilay 111,927 kalena lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Qaza.
Xafiiska warbaahinta ee xukuumadda Qaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.