Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya ay diyaar u tahay iskaashiga waddamada kale

0
379

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay diyaar u tahay in ay kaashato waddamada kale ee caalamka si loo adkeeyo xiriirrada kala dhexeeya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay sii wadi doonaan u ololeynta xiriirka dibloomaasiyadeed iyo xoojinta midnimada si barwaaqo loo wada gaaro.
Arrintan ayuu ku sheegay khudbad sanadla ah oo uu safiirrada iyo madaxda hay’adaha uu ugu jeediyay madaxtooyada dalka ee State House.
Dhanka kale waxaa uu madaxweyne Ruto ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid aabaha guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi oo lagu magacaabayay Kingi Mwaruwa.