Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Adan ayaa ka falceliyay hadal uu dhawaan jeediyay dhiggiisa Trans Nzoia George Natembeya oo sheegay in khatarro amni ay ka dhalan karaan tallaabadii meesha looga saaray turxaan bixintii dheerayd ee la marin jiray shacabka gobolka Waqooyi Bari marka ay codsadaan aqoonsiga qaran.
Nathiif Jaamac ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha dalka William Ruto ay arrintaasi uga mahadcelinayaan maadaama uu soo afjaray takoor sanado badan jiray.
Waxaa uu sheegay in hadalka Natembeya uu yahay mid laga xumaado.
Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay qaataan aqoonsiga qaran iyo baasaboorka isagoo carrabka ku adkeeyay in aynan cidna ka raalligelinayn isbeddelka soo kordhay.
Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye.
Sidoo kale wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale , senatarkii hore ee Mandera Billow Kerow iyo xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah oo qoraallo soo saaray ayaa sheegay in kenyaanka ay leeyihiin xuquuq siman oo dastuuri ah sidaasi awgeedna aan qaar ka mid ah lagu takoori karin halka ay ka soo jeedaan mise sinjigooda.
Senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa sheegay in go’aanka madaxweynaha ee meesha looga saaray turxaan bixintii dheerayd ay tahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka cadaaladda iyo sinnaanta.
Waxaa uu xusay in arrintan awgeed ay sanado badan qaar ka mid ah shacabka gobolka Waqooyi Bari fursado ku waayeen.
Waxaa uu sheegay in go’aanka madaxweynaha uunan ka dhignayn in aqoonsiga qaran ee dalka loo bixin doono si aan ka fiirsasho lahayn.
Cali Roba ayaa qoraal ku xusay in tani ay micnaheedu tahay in dhammaan kenyaanka ay aqoonsiga qaran ku heli doonaan geeddisocod laga wada siman yahay oo aan kuwa qaar lagu takoorin.
Waxaa uu intaasi ku daray in muddo dheer dadweynaha ku nool Waqooyiga Kenya ay wajahayeen dib u dhaca iyo su’aallo waydiin badan si ay aqoonsi u helaan iyadoo kenyaanka kale ay howshan u fududeyd.
Senatar Cali Ibraahim Roba ayaa su’aal geliyay sababta uu qof uga soo horjeedsanaya ama ay u dhibaysa in shakhsi kale uu cadaalad helo.
Waxaa uu tilmaamay in cid kasta oo aaminsan midnimada qaranka laga doonaya in ay arrintan soo dhaweyso .
Waxaa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay in madaxweyne William Ruto uu qaaday tallaabo sax ah oo ka dhigan in kenyaanka si siman loola macaamilo taariikhdana ay xusi doonto go’aankan.