Shiinaha oo ka falceliyay canshuurtii uu soo rogay Maraykanka

0
138

Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay canshuurihii uu Trump ku rogay wadamadaas muddo 30 maalmood ah kadib markii ay heshiis la gaareen Donald Trump.
Hogaamiyayaasha Mexico iyo Canada ayaa isku raacay in kumanaan booliis ah ay u diraan xudduudaha ay la leeyihiin Mareykanka si ay ula dagaalamaan ka ganacsiga maandooriyaha iyo socdaalka sharci darrada ah.
Maamulka Trump ayaa shaqaalaha Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ka xiray xaruntooda ku taalla bartamaha magaalada Washington, DC shalay xilli ay ku howlan yihiin xiritaanka gabi ahaan hay’addaasi.
Sharci dajiyayaasha Dimuqraadiga ayaa su’aal galiyay sharcinimada doorka bilyaneerka Elon Musk ee ku aaddan isbedellada lagu sameynayo hay’adaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Mareykanka, oo ay ku jiraan wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda USAID.
Garsoore ku sugan Washington, DC ayaa kordhiyay amar lagu joojinayo qorshaha Trump ee ah in la xayiro trillions-ka suurtagalka ah ee kharashaadka dowladda federaalka Mareykanka.