Waxaa lagu soo warramayaa in kooxaha u ololeeya xuquuqda dadka soo galootiga ah iyo ururka maddaniga ee xurriyadda ee Maraykanka (ACLU) ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Waxay si gaar ah uga soo horjeedaan siyaasadda maamulka Trump ee ka dhanka ah soo galootiga .
Kooxahan ayaa sheegay in amarka Trump uu saameeyay dad ku sugan gudaha Maraykanka iyo shakhsiyaad doonaya in ay magan galyo ka helaan dibadda xukuumadda Washington.
Waxay ku doodayaan in Trump uu ka tallaabsaday awooddiisa dastuuriga ah oo uuna ku xadgudbay xeerarka jira.
Waxaa ay sheegeen in dastuurka Maraykanka uu qeexaya in dadka magan galyo doonka ah ay gudaha u geli karaan Maraykanka haddii ay bartilmaameedsi ka soo carareen.